Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Qarax si weyn jugtiisa looga maqlay qaybo ka mdi ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegay in lala beegsaday mid ka mdi ahaa Saraakiishii Millateriga Soomaaliya, waxaana uu marayay xiligu Qaraxu dhacayay Agagaarka isbitaalka kalkal Xili u kasoo baxay Villa Beydhabo ee Magaalada Muqdisho.
Generaalka la qarxiyay ayaa lagu Magacaabaa Maxamed Xaashi Guuleed, waxaana la sheegay in Qaraxu uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso, taasi oo sida dad Goobjoogayaal ah ay sheegeen Qabsatay Gaariga uu la socday Generaalka iyo Ilaaladiisa.
Wararkii ugu dambeeyay ee aynu helayno ayaa waxaa ay sheegayaan in Genaraalka uu soo gaaray dhaawac, waxaana ku dhintay qaar ka mid ah ilaalada jananka.
Wali wax faah faahin intaa dheer lagama hayo weerarkaasi Qaraxa ahaa, waxaana goobta gaaray Ciidanka ammaanjka, kuwaasi oo la sheegay in muddo kooban ay xireen isku socodka guud.