Qaramada Midoobay ayaa War kulul kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay afaafka hore ee Maqaayad ku taalla xeebta Liido, degmada Cabdicasiis ee Gobolkaan Banaadir.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa lagu Cambaareeyay qaraxaas uu fuliyay qof is-miidaamiye, kaasi oo doonayey inuu galo Mayaaqad ay ku sugnaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka cusub iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Macamed Xijaar.
Qaramada Midoobay ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, iyagoo caafimaad degdeg ah u rajeyay kuwa ku dhaawacmay oo uu ku jiro Taliyaha Saldhiga Booliska degmadaas.
“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay cambaareynaysaa weerarkii argagaxiso ee Jimcihii ka dhacay maqaayad ku taal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu soo beegay xilli ay dadku afurayeen. Waxay tacsi u direysaa ehelada dadkii ku dhintay waxayna caafimaad degdeg ah u rajeyneysaa kuwa ku dhaawacmay” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Ugu yaraan 4 Ruux oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah ayaa ku naf-waayay qaraxii Is-mniidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido, isla markaana waxaa ku dhaawacmay 8 qof oo ku jiro Taliyaha Saldhiga degmada Cabdicasiis Liibaan Shidane.