Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa War kasoo saaray doorashada 16-ka kursi Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Ceelwaaq.
Rooble oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu marka hore hambalyo ugu diray Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Doorashada Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee ku harsanaa Jubbaland.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa u hambalyeeyay 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.
“Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo. Hambalyo ayaan leeyahay xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday†ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.
Maanta oo sabti ah ayaa waxaa deegaan doorashada labaad Jubbaland ee Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gego lagu soo gaba-gabeeyay doorashada 16-ka kursi Golaha Shacabka Baarlamaanka, kuwaasi oo ku harsanaa dowlad Goboleedka Jubbaland….