Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar Caawa Maqribkii lagu qaaday Goob ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin uu ka mid yihiin Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.
Weerarka oo sida la sheegay lagu qaaday goob ay  magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug kaga sugnaayeen mas’uukiyiintu ayaa xilligii afurka ay ciidamada Booliiska gobolka Mudug ee Puntland ay weerareen, waxaana halka la weeraray ay ahayd Guri uu lahaa duqii hore ee Gaalkacayo Nabadoon Yaasiin Cabdi, halkaasi oo sidoo kale uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha-dibedda Soomaaliya, Cabdi Siciid.
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in Ciidanka weerarka qaaday iyo kuwo kale oo Ilaala u ahaa masuuliyiinta ay israasaaseyn culus dhex martay,w axaana ka dhshay Khasaaro kale duwan sida wararka aynu helnay tilmaamayaan.
Taliye kuxigeenka qaybta gobolka Mudug ee Puntland Cabdi Siciid Xuseen Koomaad, duqii hore ee magaalada Galkacyo Yaasiin Cabdisamad iyo askari ka tirsan ciidanka booliska ayaa ku dhaawacmay is raasaasayn caawa ka dhacday goobtaasi ay degganaayeen masuuliyiin dawladda federaalka ah iyo kuwo Puntland ah.
Meesha wax ka dhaceen oo ah aagga ciid guduudda ama agagaarka gurigii madaxweynihi hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, hadda waxaa deggan wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Cabdisciid Muuse Cali oo shalay yimid Galkacyo, wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal iyo madax kale oo dawladda ah, kuwaasi oo ilaalo gaar ah oo hubaysan ay u joogaan goobaha ay degganyihiin.
Arrintaan ayaa kusoo aadaysa iyadoo Maamulka Puntland ay amaro kasoo saareen shirarka siyaasadeed ee lagu qabto magaalooyinka Puntland, ilaa iyo haddana lama oga, sababta rasmiga ah ee weerarkaas ka dambeysay, inkastoo wararka qaar ay tilmaamayaan in Ciddanku ay wadeen howlgallo.