Shil gaari oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Xaafadda Soomaalida ee Mayfair ee Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhashay khasaara isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Muwaadiniin Soomaali ah.
Hal qof ayaa shilkaasi ku dhintay oo aan dhalashiisa la xaqiijin, halka shan Muwaadin Soomaali ahna ay ku dhawacmeen shilka, sida ay sheegayaa wararka aan ka heleyno Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Dhaawacyada shilka kasoo gaaray Muwaadiniinta Soomaalida ah ayaa waxaa la sheegay in qaarkood culus yihiin, isla markaana waxaa la dhigay Isbitaalo ku yaalla Koonfur Afrika, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in shilka uu ka yimid, kadib markii isku dhaceen gaari ay saarnaayeen 5-ta Muwaadiniinta Soomaalida ah iyo gaari kale, xili ay marayeen Xaafadda Soomaalida ee Mayfair ee Magaalada Johannesburg, Koonfur Afrika.
Shilal kala duwan oo khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa horey sidaan oo kale uga dhacay Koonfur Afrika, waxaana waxyeelo kasoo gaartay dad Soomaali ah oo u badan Ganacsato ka shaqeysata gudaha dalkaas .