Wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddiga doorashooyinka ayaa shaaciyay inay xubno kamid ah Guddigooda u dirayaan Baydhabo, si xal looga gaaro tabashada Maamulka Koonfur Galbeed ay ka qabaan doorashada iyo Munaasabadda dhaarinta Xildhibanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad.
Xubnaha ka socda Guddiga doorashooyinka ayaa kulamo la qaadan doona Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, iyagoona kala hadli doona sidii loo xalin lahaa cabashada ay qabaan iyo isu soo dhaweynta Lafta-gareen iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.
Illaa 73 Mudane oo ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa ku sugan Baydhabo, kuwaasoo aan qaadan shahaadada FEIT, iyagoo ka soo horjeeda in Saddex ka mid ah Xildhibaannada laga soo doorto uu dhowaan Guddiga doorashada FEIT uu waxba kama jiraan ka soo qaadat natiijadooda doorashada, iyagoona go’aamiyay in dib loogu celiyo doorashada.
Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku eedeeyay inuu isbaaro u dhigtay Xildhibaanada KGS, taasina aysan aqabli doonin, waxaana weli socda dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo tabashada Koonfur Galbeed oo uu wado Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo ku sugan Baydhabo.