Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo Axd ah kulan la qaatay qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday arrimaha doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo u diyaar garowga dhaarinta Xildhibaannada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishaan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa la wadaagay Wakiilada Beesha Caalamka inay ka go’an tahay dhammeytirka doorashada dalka, isla markaana Maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle ay si dhaqsi u soo gaba-gabeyn doonaan doorashada Golaha Shacabka.
Rooble ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay garab istaaga geedi socodka hannaanka doorashada dalka socota oo heer gaba-gabo mareysa, isla markaana 14-ka bishaan April la qorsheeyay dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad.
Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa shaaciyay Maanta inay shahaado siiyeen 200 oo Xildhibaan, kuwaasi oo ah isku darka Xidhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.