Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka wada bixinta shahaaho siinta Xildhibaanada labada Aqal Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee lasoo doortay.
Guddiga doorashooyinka ayaa Maanta shahaadada Xildhibaanimo siiyay 5 Xidlhibaan oo uu ku jiro Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Musharax Madaxweynaha dalka, iyadoo weli harsan yihiin Xildhibaano kale oo aan qaadan shahaadada.
Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa lagu sheegay inay shahaado siiyeen 200 oo Xildhibaan, kuwaasi oo ah isku darka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaan xirnay 200 oo Xildhibaan, isku darka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shahaado bixintu dardar bay ku socotaa, dhaarintuna waa dhawdahay. Dadweynoow doorashaa loo dareeray” ayaa lagu yiri Qoraalka Guddiga.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan weli qaadan shahaadada Xildhibaanimo, waxaana qaatay oo kaliya saddex Xildhibaan oo kaliya oo kamid ah Sheekh Aadan Madaoobe.
Hoos ka Akhriso magacyada Xildhibaanada Maanta shahaadada qaatay.
1-Abdisamad Mohamed Hassan
2- Yusuf Hayle Jimale GSH#012
3- Mohamed Hussein Hadi GSH#209
4- Abdirahman Abdishakur Warsame GSH#138.
5-Khadija Mohamed Almakhzoum GSH#034.