Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil goordhaweyd magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland loogu gaystay Haweenay Xaamilo ah.
Alle ha u naxariistee Haweenayda ayaa lagu dilay Xaafadda Calaamadaha ee degmada Maxamuud Haybe, ee Magaalada Hargeysa.
Marxuumadda ayaa lagu magacaabi jiray Hodan Muxumed Cabdi, waxaana dilkeeda loo adeegsaday Toorreey, iyadoo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in falkaasi arga-gaxa leh uu ka dambeeyay Ninka qabay Haweenayda.
Dadka degaanka ayay dhacdadaasi naxdin ku abuurtay, waxaana sidoo kale wararku intaa ku darayaan in Haweenaydu ay ahayd Xaamilo uur 7 bilood ah leh.
Sidoo kale waxaa ay ahayd Hooyo haysata 5 carruur ah, lamana sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilkeeda.