Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo talaado ah waxaa gaaray Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo lagu soo dhaweeyay Magaaladaas, kadibna la kulmay Madaxda Hirshabeelle.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta Madaxtooyada Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kula kulmay Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.
Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehliyay Madaxweyne ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, Wasiir Arrimaha Gudaha, iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan waxaana gudiga ay ka warbixiyeen u jeedka ay u yimaadeen Magaalada Beledweyne oo ahaa xaqiijinta Soohdinta ay wadaagaan dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Galmudug.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa bogaadiyay shaqada qaran ee guddiga, waxa uuna faray Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Hiiraan inay kala shaqeeyaan fududeynta howshooda shaqo.