Wasaaradda difaaca ee UK ayaa sheegtay in ay u badan tahay in Ruushku uu sii wadi doono adeegsiga hubka aadka u culus goobaha magaalooyinka.
Warku wuxuu intaa ku daray in ciidamada Ruushka ay sii wadaan go’doominta tiro ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Ukraine oo ay ku jiraan Kharkiv, Chernihiv iyo Mariupol.
Muddo bil ah dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Ruushka iyo Ukraine ayaa weli ka socda Magaalooyin ka tirsan dalka Ukraine, waxaana Ciidamada Ruushka ay weli sii wadaan Go’doominta iyo duqeymo ay ku wadaan gudaha dalkaas.
Khasaaro lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay duullaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine, isla markaana waxaa ku le’day Ciidamo ka kala tirsan labada dal, dad Rayidka, sidoo kalena ay burbureen dhismayaal farabadan.