Maxkamad ku taala Dalka Kenya ayaa Dil Toogasho ku xukuntay Nin lagu helay inuu Burcad Badeeda Soomaalida uu ka caawiyay Afduubka Gabar Dalxiise ahayd oo ka soo jeeeda Britain.
Cali Babitu Kololo oo 35 sano jir ah ayaa lagu helay Dambi ah inuu Kooxda Burcad Badeeda Soomaalida uu ku caawiyay Xogta Judith Tebbutt oo ay markii dambe qabsadeen Kooxda Burcadaha Badaha.
Waxa ay ka dileen Gabadhasi Seygeeda ama Ninkii iyadda qabay,waxana ay iyadda heysteen Muddo dhan Lix Bilood.
Booliska Kenya ayaa aaminsan in Ninkan uu hogaaminayay 5 qof oo Soomaali ah oo hubeysnaa oo qoray Caaradiisa ku qafaashay Judith Tebbutt.
Gabadhasi oo 60 sano jir ah waxa lagu siidaayay markii dambe lacag madax furasho ah oo gaareysay Lix Boqol oo Kun oo ah Boundka Britain.
Ninkan Xukun lagu riday oo lagu Magacaabo Cali Babitu Kololo ayay Booliska Xereen Dhowr Saacadood uun kadib markii uu dhacay Weerarkii lagu afduubtay Judith Tebbutt iyo Ninkeeda bishii September Sanadkii 2011kii.