Goob joogayaal ku sugnaa weerar lagu hoobtay oo Ruushka ku qaaday saldhig militari oo ay leeyihiin ciidamada Ukraine ayaa ka sheekeeyay sida “cirka uu isugu baddalay dimbilo” markii ay gantaallo ku garaaceen saldhigga oo u dhow xadka Poland.
Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhiimatay duqeynta oo uu Ruushka ka fuliyay xerada tababarka ciidamada ee Yavoriv, ​​oo u dhow goob weyn oo laga gudbo oo xigta dhinaca Poland oo ay isticmaalaan qaxootiga ka soo qaxaya dagaalka Ukraine.
Guddoomiyaha gobolka wuxuu sheegay in aroornimadii saaka ay ciidamada Ruushka ku dhawaad 30 gantaal ku garaaceen saldhigga oo ku yaalla duleedka magaalada Lviv.
Saacado kadib weerarka waxaa goobta kusii qulqulayay gawaarida gurmadka deg dega ah.