Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalka Azerbaijan  Jeyhun Bayramov.
Kulanka dhexmaray labada mas’uul ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday horumarinta xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dal, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.
Wasiir Cabdisaciid Muuse iyo dhiggiisa Azerbaijan ayaa lagu lafo-guray sidii ay Labada dowladood u yeelan lahaayeen iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, ganacsiga iyo waxbarashada.
Sidoo kale labada Wasiir ee Arrimaha Dibadda ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay Labada Dal u leedahay horumarinta cilaaqaad ku qotoma danaha qaran ee Labada Shacab iyo Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.