Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka jawaabay eedeyntii Maanta Boqor Buurmadow, Cabdi Xaashi iyo siyaasiyiin kale u jeediyeen Ra’iisul Wasaare Rooble, taasi oo ay aheyd inuu boobayo doorashada Gobolada Waqooyi.
Mahdi Guuleed ayaa sheegay inuu Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka raalli-gelinayo hadaladii gefka ahaa ee eedeynta loogu jeediyay, wuxuuna xusay in Xafiiska Rooble uu hoggaamiye ka yahay fududeynta iyo hagida doorashada.
Waxa uu tilmaamay Mahdi Guuleed in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta uu yahay muraayadii Qaranka oo uusan aheyn meel Cabdala Shideeye ah ama goob foojari lagu sameeyo, isagoona raalli-geliyay Rooble.
“Wixii maanta ka dhacay Guriga Cabdi Xaashi dhaqan Islaam ma aheyn, dhaqan Soomaali ma aheyn, dhaqan ogaadeen iyo dhaqan odayeed midna ma aheyn, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha H/Gidir waxaan codkeyga ku biiranayaa waxaa leeyahay xaal qaata, Ra’iisul Wasaarow raalli ahaw, diyaar baan u nahay inaan gogol iyo madal weyn inaan xaalkaas ku bixino†ayuu yiri Mahdi Guuleed oo difaacay Rooble.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa caddeeyay in aan la aqbali doonin dib u dhac ku yimaada doorashada dalka ee heshiiska laga gaaray, isla markaana ciddii ka hortimaada loo aqoonsan doono qas-wadeyaal.
Hadalkaan ayaa waxaa uu Mahdi Guuleed ka sheegay kulan lagu taageerayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Caawa qabsoomay, waxaana kulankaas ka qeyb galay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ee Garabka Mahdi Guuleed.