Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war kasoo saartay iscasilaaddii ay ku dhawaaqeen Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga doorashada Pumtland, kuwaasi oo sheegay in ay isaga tageen shaqada Guddiga doorashada.
Warkasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa lagu sheegauy in marnaba aysan istaagi doonin shaqooyinka Guddiga, iyadoo xalay la doortay Giddoomiye iyo ku xigeenkiisa, kuwaasi oo howlaha guddiga sii dardar galin doona sida la sheegay.
Qoraal kasoobaxay Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in Geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland uu yahay hadaf ku dhisan heshiis bulsho, waxaana intaa ay ku dareen in iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinkaa aysan aahyn mid saameynaysa ka go’naashaha dadka iyo maamulka Puntland in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee loo qorsheeayay in Degaanada maamulkaasi ay ka dhacdo
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta maamulka Puntland iyadoo ka xun iscasilaadda Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee Puntland (TPEC), waxay Ummadda Puntland, guud ahaan Soomaali iyo Daneeyaasha Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntlandba u caddeynaysaa in Geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland uu yahay hadaf ku dhisan heshiis bulsho, maamulkana u idmanyahay ka guul gaarista hirgelintiisa. Sidaa darteed, iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinka ma ahan mid saameynaysa ka go’naashaha dadka iyo maamulka Puntland in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod†ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.
Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa u mahadcelisay Guddoomiye Guuleed Saalax, Kuxigeenkiisa Jaama iyo dhammaan Xubnaha Guddigaba hawl karnimadii horseeday qabsoomidda doorashooyinkii horudhaca ahaa ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl.