Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Bandow kusoo rogay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolkaas, sida uu Goordhow shaaciyay Afhayeenka Maamulka Hiiraan Liibaan Cabdi Cumar.
Afhayeenka oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in sababta keentay in Bandow lagu soo rogay Magaalada Baladweyne ay tahay, si looga hortego wax walbo oo keeni kara khal-khal gelinta ammaanka Magaalada.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayuu Afhayeenka tilmaamay inuu faray laamaha amniga dowladda Federaalka iyo kuwa Hirshabeelle inay dhaqan-geliyaan Bandowga lasoo rogay, si loo xaqiijiyo amniga, isla markaana laga hortego falalka amni darro.
“Guddoomiyaha Gobalka Cali Jeyte Cismaan waxuu Bandow ku soo Rogay Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobalka Hiiraan. si loo xaqiijiyo Amniga Baladweyne Loogana hortago wax walbo oo Qalqal Gelin karo amniga Baladweyne†ayuu ku yiri Qoraalka uu soo saaray Afhayeen Liibaan Cabdi Cumar.
Baladweyne ayaa waxaa habeeno kahor dagaal xoogan oo dhaliyey khasaaro uu ku dhexmaray Ciidanka Maamulka iyo Ciidamo uu watay Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere, waxaana dagaalkii dhacay la xaqiijiyay inay ku dhinteen 5 ruux, sidoo kalena Maanta duleedka Magaaladaas ayaa waxaa ka dhacay dagaal xoogan.
Bandowga uu Maamulka Gobolka kusoo rogay Magaalada Baladweyne ayaa kusoo aaday, iyada shalay Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan uu ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka hubeysan ee kasoo horjeeda Maamulka Hirshabeelle ee halkaas jooga.