Safaaradaha Mareykanka iyo Britain ee magaalada Muqdisho ayaa caawa shaaciyay in ay taageersanyihiin Shirka Wada-tashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ee la filayo inuu Muqdisho ka dhaco todobaadkaan.
War kooban oo lagu daabacay barta tiwitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay,†In Mareykanku uu sii wadayo taageeridda Shirka Wada-tashiga Qaran ee lagu wado in todobaadkaan uu ka dhaco Muqdisho.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in wadahadallada madashan ay muhiim u yihiin dardargelinta hannaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka qaladaadki dhacayâ€.
Sidoo kale safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa iyaduna taageertay shirkaan, kaddib qoraal rasmi ah oo barteeda twitter-ka ay ku faafisay caawa safiirka Britain u fadhida Soomaaliya, Kate Foster. Waxay sheegtay in shirkan muhiimka ah uu yahay halka lagu xallin karo cabashooyinka iyo arrimaha jira.
Ra’isulwasaare Rooble ayaa dhawaan ku baaqay in 27-ka Bishan December oo ku beegan berri ay madaxda madasha wada-tashiga qaran isugu yimaadaan shir looga arrinsanayo dardargelinta doorashooyinka. Laakin, Madaxweyne Farmajo ayaa xalay isna dhankiisa uga dhawaaqay shir kaasi ka duwan.