Boliska Scotland Yard ee dalka Britain ayaa qiray inay Qoyska Muxiyadin Mire ay saddex isbuuc ka hor uga digeen Boliska inay ka walaacsan yihiin Wiilkooda, waxayna codsadeen in lagu sameeyo Baaritaan dhinaca Dhimirka.
Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa London ayaa qoray inay Qoyska ka digeen Dabeecadda cusub ee ay ku arkeen Wiilkooda, walow aysan sheegin inay uga baqanayaa inuu Xagjir yahay.
Mohamed Mire oo la dhashay Eedeysanaha ayaa sheegay inuu walaalkiisa Muxuyadin Mire muddo 3 bilood Isbitaalka ku jiray sannadkii 2007-dii, wuxuuna xusay inay Maamulka Dowladda Hoose ku wargeliyeen dhibaatadiisa, balse ay ka gaabsadeen maadaama uu ahaa qof aan dhibaato u geysanin Bulshadda kale.
Isagoo xalay la hadlayey Telefishinka Channel 4 News waxa uu tilmaamay inuu Walaalkiisa isku buuqsan yahay, isla markaana uu qorshuhu ahaa inay isaga iyo hooyo u safraan Somalia hal habeen ka hor habeenkii uu dhowrka qof ku dhaawacay Bosteejadda Tareenadda ee ku yaalla Bariga London.
Wuxuuna intaasi ku daray inay doonayeen  in Muxiyadiin Mire lagu soo daaweeyo Somalia, isagoo dhinaca kalema qiray inuu Walaalkiisa ahaa qof ay Balwadda Xashiisha dilootay.
Dhinaca kale, Muxiyadiin Mire oo 29 jir ah ayaa waxa uu shalay galab  ka soo hor muuqday Maxkamadda Westminster, iyadoo aad loo adkeeyey Ammaanka.
Muxiyadiin Mire oo ah Somali British waxa keliya oo ay Xeer-beegtida Maxkamadda maanta weydiiyeen inuu xaqiijiyo magaciisa, da’diisa iyo Cinwaanka halka uu deggan yahay, waxaana la filayaa in mar kale la soo maxkamadeeyo maalinta ee soo socota.
© Radio Dalsan