Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa haatan waxaa kulan gaar ah uga socdaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka dalka gaar ahaan qaabka ay ku ku socoto doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Muqdisho, maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta ay Rooble u caddeyn doonaan Mowqifkooda ku aadan doorashada oo ay sheegeen in wax socda aysan aheyn doorasho, balse ay tahay boob.
Musharaxiinta ayaa shaaciyay in aysan aqbali doonin doorashooyinka deegaanada qaar ee lagu bilaabay boob qaawan oo la isu awood sheegtay, laguna tuntay habraacyadii doorashada, taasoo halis gelineysa xasiloonida dalka iyo jiritaanka dowladnimada.
Kulanka socda ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxaana sidoo kale kulanka kasoo muuqday Musharax C/kariin Xuseen Guuleed oo muddooyinkiin u dambeeyay ka maqnaa shirarkii Musharaxiinta.