Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa shaaciyay in ay wel-wel aad u weyn ka qabaan dib u dhaca doorashada iyo sidoo tafaraaruqa siyaasadeed ee ka jira dalka, waxaana sidoo kale ay carrabka ku dhufteen in dalku uu marayo xaalad hubanti la’aan ah oo dhanka doorashooyinka ah.
Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in Goluhu uu ka xun yahay in jadwalkii doorashada ee horay la isugu raacay ay Seddex jeer dib uga dhacday dhammaan waqtiyadii loo asteeyay.
Qoraalka Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in sahcabka Soomaaliyeed ay niyad jab iyo walaac ku abuurtay hubanti la’aanta dhanka doorashooyinka, waxaana yaraaday maalgashiyadii caalamiga ahaa ee dalka.
Midowga Musharaxiinta ayaa hoosta ka xarriiqay in Golaha Wadatashiga Qaran uu qaadayo mas’uuliyadda dib u dhaca doorashooyinka dalka, iyagoo sida qoraalka lagu shegay ay yaraadeen maalgashigii ganacsi, heshiisyadii caalamiga ahaa, kaalmooyinkii dhaqaale, dayn cafinta, iyo mataaladdii Soomaaliya ee fagaarashayaasha caalamiga ah, taasi oo eedeynteeda ay dusha u saareen Golaha Wadatashiga Qaran.
“Goluhu Midowga Murashaxiinta wuxuu hoosta ka xarriiqayaa in Golaha Wadatashiga Qaran uu qaadayo mas’uuliyadda dib u dhaca doorashooyinka dalka.Hay’adihii dowladda federaalk oo muddo xiloodkoodii sharciga ahaa dhammaatay waxey keentay hubanti la’aanta siyaasadeed oo sababtay in yididiilladii shacabka yaraato, mugdina hareeyo maalgashigii ganacsi, heshiisyadii caalamiga ahaa, kaalmooyinkii dhaqaale, dayn cafinta, iyo mataaladdii Soomaaliya ee fagaarashayaasha caalamiga ah†ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharixiinta.
Doorashada dalka ayaa si buuxda loogu wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo hadda ay qabsoontay doorashadii Aqalka sare, taasi oo billaw u ah doorashooyinka dalka ka dhici doona, waxaana xusid mudan in doorashada ay tiro dhowr jeer ah ay dib uga dhacday xiligii loo asteeyay, waxaana sidoo kale jiro is qab-qabsi iyo khilaaf xooggan oo u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday ee  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.
Hoos ka akhriso Qoraalka Midowga Musharixiinta