Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Guddoomiyeb cusub u magacaabay Maxkamadda Gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoona xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda.
Cabduqaadir Cadaay Axmed ayaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib wareegto uu soo saaray Madaxweyne Guudlaawe, taasi oo ku taariikheysan 9-kii bishaan Oktoober oo shalay ku beegneyd.
Guddoomiye Cabduqaadir Cadaay ayaa bedel u noqonaya Sheekh Xuseen Maxamed Cusmaan oo in muddo haayay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Shabeellaha Dhexe, balse uu xilka qaadis ku sameeyay Madaxweyne Guudlaawe.
Waa wareegtadii labaad ee magacaabis oo Maanta kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoona wareegtadii tan ka horreeysay ku magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa.