Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xilka qaadis ku sameeyay Agaasimihii Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Xiriirka Caalamiga Maamulka Hirshabeelle Cabdullaahi Maxamed Xasan.
Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ku taariikheysneyd 7-dii bishaan Octoober 2021 ayaa waxaa xilka Agaasimaha Qorsheynta iyo Maalgashiga Hirshabeelle si KMG ah loogu magacaabay Maxamed Maxamuud Cabdulle.
Magacaabista Agaasimaha KMG ah ee Wasaarada Qorsheynta Maamulka Hirshabeelle ayaa ku timid talo soo jeedin uu sameeyay Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Maamulkaas, sida lagu caddeeyay wareegtada magacaabista.
Xeerka magacaabista Agaasime Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa dhaqan galaya marka uu wareegtada magacaabista saxiixo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, isla markaana waxaa uu saxiixay.
Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista ee lasoo saaray.