Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble iyo Hay’addaha ka shaqeeya qeybinta Udxiyadda, maadaama ee nagu soo food leedahay Ciidul Axda, isla markaana la doonayo in Bulshada si hufan loo gaarsiiyo Udxiyada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Hay’addaha ka shaqeeya qeybinta Udxiyada faray in xoolaha lagu gowraco kawaanada xoolaha lagu qalo ee Magaalada Muqdisho, isla markaana laga fogaado in xoolaha lagu gowraco Magaalada Dhaxdiisa ama goobo aan loo asteenin.
Duqa Muqdisho ayaa ku dar-daarmay in la ilaaliyo Bad-qabka deegaanka iyo faya-dhowrka si Bilicda Magaalada Caasimadda loo ilaaliyo, sidoo kalena Shacabka loo gaarsiiyo Udxiyada.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad loogu dareemayaa diyaar garowga Maalmaha Ciidul Adxa, iyadoo maalinta Ciida la gowraco xoolaha Udxiyada.