Golaha amaanka ayaa si adag u canbaareeyay dilkii loo geystay madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moise,golaha ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo hor keeno caddaaladda shakhsiyaadkii ka danbeeyay falkaas.
Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada siyaasadda ee dalka Haiti inay ka fogaadaan rabshado cusub iyo inuu dalku galo qalalaaso,kooxa hubeysan oon heybtooda la garan ayaa shalay dilay madaxweynihii Hait, waxeyna sidoo kale dhaawaceen xaaskii madaxweynaha.