Ciidamo ka tirsan dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa waxaa ay howlgal ka sameeyeen deegaano duleedka ah Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay deegaanada kala ah baali, burjada Ciinta iyo doon Maleeyka oo 25-KM u jira Magaalada Baladweyne, waxaana howlgalka ka hadlay Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre.
Wasiirka ayaa sheegay in ujeedka howlgalka laga fuliyay deegaanada uu ahaa mid lagu doonayay in lagu xaqiijinayo amniga Baladweyne, isla markaana tilmaamay in howlgaladan oo kale lasii wadi dooni, si loo sugo amniga Magaalada iyo duleedkeeda.
Wasiir Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa ku boggaadiyay Ciidanka Maamulka iyo kuwa dowladda Federaalka howlgalka lagu xaqiijinayo amniga oo ay ka wadaan Magaalada Baladweyne iyo deegaanada hoostega.
Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo maalin kahor xaafaddo ka tirsan Baladweyne ay ku dagaalameen Ciidanka dowladda iyo kuwa Jabhada uu hoggaamiyo Jeneraal Xuud, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona la sheegayo in weli ay taagan tahay xiisad u dhexeeysa labada dhinac.