Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta isaga soo ambabaxay Mas’uuliyiintii ugu badneyd ee ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, kuwaasi oo kusoo wajahan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Mas’uuliyiinta kasoo baxay Baladweyne ayaa waxaa ku jira inta badan Golaha Wasiirada Maamulka oo maalmihii lasoo dhaarfay halkaas ku sugnaa, iyagoona uga qeyb galay Shirka Golaha oo tan iyo markii la doortay Cali Guudlaawe lagu qabtay Magaaladaas.
Mas’uuliyiinta ayaa markii ay soo gaaran Muqdisho uga sii gudbi doona Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle oo dhawaan la filayo inay ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) uu isna ku wajahan Magaalada Jowhar, isagoona marka hore imaan doona Muqdisho.
Baladweyne ayaa maalin kahor ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Jabhada uu hoggaamiyo Jeneraal Xuud, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona la sheegayo in weli ay taagan tahay xiisad u dhexeeysa labada dhinac.