Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta o Isniin ah kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, iyagoona doortay Guddoomiyaha Guddiga iyo ku-xigeenkiisa.
Kulanka lagu dooranayay Guddoomiyaha Guddiga iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 11-xubnood oo Guddiga, waxaana xilka Guddoomiyaha Guddiga doorashada Galmudug loo doortay Maxamed Daahir Guuleed oo helay 11 Cod.
Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada ayaa waxaa doortay inuu noqdo Saacid Aadan Jaamac oo helay Codad gaaraya 11, mana jirin qof kale oo la tartamay labada Mas’uul, iyagoona sidaas ku guuleystay.
Duhurnimadii Maanta ayey aheyd markii Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ay doorteen Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa, waxaana Guddoomiyaha Guddigaas noqday Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed, halka ku-xigeenka laga dhigay Nuuradiin Ibraahim.
Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ku doortaan Guddoomiyeyaasha Guddiyada doorashooyinka iyo ku-xigeenadooda.