John McAfee oo ahaa Khabiir dhanka Teknoolajiyada ayaa waxaa maydkiisa laga helay Xabsi ku yaalla dalka Spain, saacado ka hor, markii loo masaafurin lahaa Maraykanka, si loogu maxkamadeeyo.
Qareenkiisa iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Spain ayaa wada xaqiijiyey geeridiisa.
John McAfee oo 75 jir ah waxa uu horey u sameeyey Antivirus-ka Ammaanka Software-adda Kombiyuutarada oo isaga loogu magac daray.
Wakaalladda Wararka AP waxay shalay soo werisay inay Maxkamad ku taalla dalka Spain ay anjsixisay Xukun Khabiirkaasi loogu masaafurin jlahaa Maraykanka, kaasi oo saacado ka hor maydkiisa laga dhex helay Xabsigii uu ku xirnaa.
Khabiirkaasi waxaa sanadkii hore lagu xiray dalka Spain, kadib markii lagu helay inuu Canshuur la baxsaday.
Waxa uu mar noqday Murashax Xisbiga the Libertarian Party ee dalka Spain ee u taagnaa Doorashadii Madaxtinimada ee sanadkii 2016-kii.