Waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu guuleystay in dib loo furo wadada dheer ee xiriirisa Magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kadib markii wadadaas ay ku goΓ’β¬β’day biyaha roobab xoogan oo daΓ’β¬β’ay.
Labadii maalin ee lasoo dhaafay ayaa waxaa istaagay isku socodka gaadiidka ee Gobolada Bari iyo Karkaar ee Puntland, waxaana wadada ku xanibnaa gaadiid farabadan oo isugu jiray nooca raaxada iyo kuwa xamuulka qaada.
Taliyaha qaybta Gobolka Karkaar ee Puntland G/sare Faarax Nuur Maxamed iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Puntland ayaa sheegay in dib loo furo wadada laamiga ah ee isku xiriirisa Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho.
Wasiirka Hawlaha Guud ee Puntland, Axmed Bashiir Muuse Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye, gaadiidlayda baabuurtoodu ay ku xirnayd wadada ayaa ka mahadceliyay dib u furista wadada.
Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka daΓ’β¬β’ayay roobab xoogan oo mahiigaan ah, waxaana biyaha roobka ay kala goΓ’β¬β’yeen waddooyin muhiim u ahaa isku socodka gaadiidka deegaanada Puntland.