Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinet ayaa sjheegay in la xaqiijinayo heerka Ammaanka ee guud ahaan dalka Kenya, isagoo sheegay inay muhiim tahay in la xaqiiqsado inay Kenya khatar ugu jirto inay ka dhacaan Weeraro Argagixiso.
Waxa uu sheegay inay Ciiddanka Ammaanka si dhow Dadweynaha ugala shaqeyn doonaan Ammaanka dalka, si aysan u dhicin Falal Argagixio oo la mid ah kuwii xalay ka dhacay caasimadda dalka Faransiiska ee Kampala.
Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinet wxa u utilmaamay inay Ciiddanka ku jiraan Feejignaan Buuxda, wuxuuna Dadka Kenya inay ku baraarugaan Taxadir dheeraad ah, soona sheegaan haddii ay khatar arkaan.
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa waxay dhowr jeer weeraro ka geysteen dalka Kenya, oo ay ka mid yihiin Weerarkii Westgate iyo kii Jaamacadda Garisa.
Xarakadda Alshabaab ayaa horey u sheegay inaysan weeraradda ka joojin doonin gudaha Kenya, waxayna ku baaqeen in Ciiddanka Kenya laga saaro gudaha dalka Somalia.
Ciiddanka Kenya waxay gudaha Somalia soo galeen bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii, waxayna Dagaalamayaasha Alshabaab ka saareen magaalladda Istaraatijiyadda leh ee Kismaayo iyo Degmooyin kale.