Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hab maqal iyo muuqaal ah ku gudoomiyay shirkan oo diirada lagu saarayo Xaalada abaaraha ee ka jira deegaano badan oo ka tirsan Jubaland taas oo saamaysay nolosha dadka iyo xoolaha nool.
Shirka waxaa Madaxweynaha kala qeyb galay gudi gaar ah oo loo Magacaabay gurmadka abaaraha iyo sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan oo ay hogaaminayso Wasaarada arimaha gudaha.
Sidoo kale waxaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeyb galay Mas’uuliyiin katirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay deeq bixiyayaasha Caalamiga ah iyo ururada gargaarka ee ka howlgala gudaha dalka.
Mas’uuliyiinta Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan dadaalka Jubbaland ay ugu jirto sidii loogu gurman lahaa dadka abaaraha ay saameeyeen oo ku nool deegaano kala duwan oo ka tirsan sadexda gobol ee Jubaland ay ka kooban tahay.