Warbixinta Midowga Yurub ayaa waxaa sanadkaan cinwaan looga dhigay Midowga Yurub, waxaa uu kasoo horjeedaa Xukunada Dilka Toogashada ah,Waxaana si weyn ay warbixinta ay uga hadashay dalka Iran, oo inta badan xukunada noocaasi laga fuliyo.
Sidoo kale Madaxweynaha Baarlamaanka Midowga Yurub Martin Schulz ayaa qoraal ku sheegay in ay aad ugu wal waleen markii wiil 26 jir ah oo lagu magacaabo Reyhaneh Jabbari, ay xukun dil ah ku radiday xukuumada Tehran.
Dhinaca kale Warbixin ay soo saaren Midowga Yurub, ayaa waxaa dowlada soomaaliya  loogu baaqay in la hakiyo xukunada dilka ee lagu fuliyo dadka rayidka.
Qoraalka ayaa ay ku sheegeen in ay arkeen qiyaastii 29 kiis oo dilal ah oo sanadkan ay fulisay Maxkamada Militeriga, oo ay diiwaangaliyeen Howgalka Midowga Africa ee AMISOM.
Maamulka Maxakamada ciidamada Qalabka sida ee soomaaliya, oo warbaahinta dhankooda la hadlay ayaa sheegay in sal iyo raad aaneey laheyn warbixinta sheegeysa in Maxkamada Militeriga ay xukuno dil ay ku ridaan dad rayid ah, marka laga soo tago xubnaha Al Shabab iyo ciidamada dowlada.