Waa hubaal in Adeegyadda qeybaha Ganacsiga dalka Somalia uu haatan ka muuqato Kobac Wanaagsan, marka loo eego qaababkii uu ahaa 25-kii sanno ee la soo dhaafay, iyadoo sare-kacaasi abuuray inay Dowladaha deriska ku faraxsanayn Isbedelka Ganacsiga iyo Siyaasadda ee dalka Somalia.
Ganacsatadda Soomaaliyeed waxay iyagu khibrad ballaaran ka heleen Sannadihii Adkaa ee la soo maray, waxayna culayska ugu xooggan saareen sidii ay u buuxin lahaayeen Adeegyaddii Dowladda laga sugayey, gaar ahaan dhinacyadda Isgaarsiinta, Korantadda, Biyaha iyo Horumarinta Waxbarashadda iyo Shaqo-abuurka.
Shirkadaha Xawaaladaha, kuwa Korantadda iyo Biyaha ayaana Kaalinta Koowaad kaga jira Kobaca, waxayna buuxiyeen Baahidii Bulshadda u qabeen Adeegyadaasi daruuriga ah.
Kumanaan shaqaale ayaana loo abuuray shaqo, kuwaasi oo Mushaaraadkooda ku baahi-tira Kumanaan qoys oo u badan kuwa ku nool Dabaqadda Hoose.
Dhaqaale-yahanadda Soomaalida ayaa sheegay inay Nabadda kaalin wanaagsan ka qaadato Kobaca Dhaqaalaha ee haatan laga dareemayo inuu heer wanaagsan taagan yahay, iyadoo laga bilaabo inaan dalalka deriska kaga horreyno Adeegyadda Ganacsiga ee darruuriga ah.
Miisaal ahaan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo kuwa Qalabka Elektoroonikadda waxay awoodeen inay haqabtiraan baahida loo qabo Adeegyadaasi, iyadoo la dhihi karo Shirkadaha Soomaalida wey ka horumarsan yihiin kuwa kale ee Geeska Afrika.
Waxaa kaloo Ganacsatadda Soomaalida taageero Ganacsiga Furan ee ay la leeyihiin Dalalka Carabta, iyagoo si fudud ku dalban kara, looguna keeni karo Adeegyadda ay u baahan yihiin dhinacyadda Diyaaradaha ama Maraakiibta.
Dareen xooggan ayeyna Dowladaha iyo Ganacsatadda dalalka deriska ka muujiyaan Kobaca Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Somalia, iyadoo Dowladda Kenya dhowr bilood ka hor albaabadda u laabtay Shirakadaha Xawaaladaha Soomaalida ku leeyihiin dalka, kadib, markii ay soo baxeen cabasho ku aadan inay Xawaaladaha Soomaalida saamayn ku yeesheen Xawliga Adeegga Bangiyadda Kenya.
Markii ay Dowladda Kenya xirtay Shirkadaha  Xawaaladaha Soomaalida, waxaa culays ka yimid Qaabka la isugu xawilo Lacagaha ee dalka Kenya, maadaama la xanibay Adeegyaddii Xawaaladaha.
Dhacdooyinka ugu yaabka badan ee laga hadal-hayo inta badan W/bari Kenya ayaa ah in Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia, gaar ahaan kuwa bixiya Adeegga Lacagaha la isugu xawilo Mobayladda, ayaa kaalin ka qaatay inay dadka Soomaalida ee ku sugan gudaha jamhuuriyadda si fudud lacagaha ugu xawilaan Mobayladda, maadaama inta badan dadka ku nool W/bari Kenya haystaan SIM-cards Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia.
Mid ka mid ah Saaxiibadda ku nool W/bari ayaa sheegay inaysan saamaynin muddadii ay Dowladda Kenya xayirtay Shirkadaha Xawaaladaha, maadaama ay haystaan SIM Cardka Shirkadda Hormuud oo u furan EVC-ga, isla markaana marka lacago loo soo diro ay si fudud ugu bedelan karaan Adeegga Xawaaladda  MPESSO.
Adeegga Anteenooyinka Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaalida ee ku yaalla dhulka xuduudka ayaa la sheegay inay bixiyaan hirar jabaq gaari karaa Degmooyin ku yaalla gudaha dalka Kenya, sida Mandera, Wajeer, Ceel-waaq iyo kuwo kale.
Wasiirka Warfaafinta ee dalka Kenya ayaa horey ugu eedeeyey Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia culays ku hayaan Ammaanka iyo Dhaqaalaha dalkiisa, isagoo tilmaamay inay Macaamil badan oo Kenyan haystaan SIM CARDS-ka Soomaalida oo Kharaj ahaan ka jaban Shirkadaha Isgaarsiinta Kenya ee SAFARICOM iyo AIR TEL.
Xilliyadda ay Ciiddanka Ammaanka ee Kenya hawlgalladda ka wadaan Deegaanadda ay Soomaalida ka degan yihiin W/bari Kenya, waxaa la damiyaa dhamaan Isgaarsiinta SAFARICOM iyo MPESSO, balse waxay dadka caadi ah ku caana-maalaan SIM CARDS-ka Shirkadaha Somalia, kuwaasi oo si fudud ugu adeegsada danahooda khaaska.
Si kastaba ha ahaatee, Markaynu isku soo duubno, dadka Soomaalida oo shaqo-yaqaan ah waxaa haatan ka muuqda mooraal sare oo ay ku horumarin karaan nolosha dadka iyo dalka.
© Radio Dalsan