Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkaasi oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 13 qof, kuna dhaawacmeen Kontameeyo kale.
Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka, Ned Price ayaa soo saaray War Saxaafadeed uu ku cambaareeyey Qaraxaasi, oo uu tilmaamay in si caddownimo leh loola beegsaday dad rayid oo aan waxba galabsanin.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay inkastoo Horumar wanaagsan laga gaaray Somalia sannadihii la soo dhaafay, waxa uu xusay inay Kooxo uu ugu yeeray Argagixiso sii wadaan inay dhibaateeyaan Ummadda Soomaaliyeed.
Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka, Ned Price waxa kaloo uu tilmaamay inay Dowladda Maraykanka kala si ishaqeynayaan Dowladda Federalka, Dowladaha deriska iyo Beesha Caalamka sidii loo soo af-jari lahaa falalka Argagixisadda iyo Colaadaha Xag-jirmimadda ee ka jira gudaha dalka Somalia.