Ugu yaraan 3 qof ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen, kadib, markii uu ku soo dumay Dhismo 7 dabaq ah oo ku yaalla Xaafadda Kartal ee magaalladda Istanbul ee dalkaasi.
Guddoomiyaha Istanbul, Ali Yerlikaya ayaa sheegay in 12 qof la soo badbaadiyey, oo mid ka mid ah xaalladiisa liidato.
Kooxaha Gurmadka ayaa la sheegay inay ilaa xalay ku hawlanaayeen sidii dad nool looga baadi-goobi lahaa Dhismaha burburay.
Saraakiisha waxay sheegeen in marka uu Dhismahaasi soo dumayey ay ku dhex jireen dad tiradooda dhamayd 27 qof ilaa 30 qof.
Dhismahaasi ayaa lasheegay in la dhisay muddo hataan laga joogo 27-sanno.