Dab xooggan ayaa waxa uu Waaberigii hore ee saakayto ka kacay Dhismo ay Shaqaale degganaayeen oo ku yaalla bartamaha magaalladda Albiine ee Gobalka Safooye ee dalka Faransiiska.
Labo qof ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen, halka ay ugu yaraan 22 kalena ku dhaawacmeen, sida ay baahiyeen Warbaahinta Gudaha ee Faransiiska.
Telefishinka Wararka ee BFM TV ayaa sheegay inuu dabku ka kacay dabaqa 3-aad ee Dhismaha uu dabku ka kacay.
Kooxaha dab-damiska oo tiradoodu dhan tahay 70-shaqaale ayaa gacan ka geystay daminta dabkaasi, waxayna sheegeen inay dhismahaasi ka soo heleen maydadka 2 qof oo aad u gubtay, 4 dhaawacyo culus qaba iyo 18 kale oo uu dhaawacyo fudud soo gaaray.
60 qof ayaa laga daad-gureeyey Dhismaha uu dabku qabsaday, mana kala cadda waxa sababay dabkaasi khasaaraha dhimashadda iyo burburka hantiyeed geystay.