Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug MudaneAxmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hambalyo u diray mudane Saciid Cabdulaahi Deni oo loo doortay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland 5 sano ee soo socota.
Madaxweyne Xaaf ayaa bogodaadiyay go’aanka ay gaareen Baarlamaanka Puntland iyo qaabka ay u dhacday doorashada madaxtinimo.
Waxa uuna u rajeeyay madaxweynaha la doortay in Alaah ku asturo xilka una sahlo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdi casiis Xasan Mohamed (laftagareen) ayaa hambaliyo u direy Madaxweynaha Cusub Ee Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
“Waxaan halkan Hambalyo ugu dirayaa Madaxweynaha Cusub Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Denni oo Maanta loo Doortay in uu Puntland hoggaamiyo 5ta sano ee soo socota.
Waxaan leeyahay Rabbi hakuu fududeeyo mas’uuliyadda laguu igmaday.