Kadib, markii ay DFS dhawaan ku dhawaaqday in dalka laga cayriyey Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Haysom ayaa waxay caqabad Diplomaasiyadeed ka dhex abuurtay QM iyo DFS.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa inay caawa Kulankoodii Sannadlaha kaga hadlaan Arrimaha Somalia, Go’aankii DFS ku soo cayrisay Nicholas Haysom iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Xaalladda Somalia.
Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Haysom haatan ku sugan Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York ee dalka Maraykanka ayaa la filayaa inuu Golaha Ammaanka ee QM u gudbiyo Warbixin ku aadan Xaalladda Somalia iyo sababaha ay isaga iyo DFS isku maan-dhaafsan yihiin.
Dhinaca kale, Nicholas Haysom waxa uu ka gaabsaday inuu Suxufiyiinta uga jawaabo go’aankii ay DFS ku soo cayrisay, iyadoo ay DFS go’aankaasi ku dhawaaqday xilli uusan Ergayga QM ku sugnayn gudaha dalka Somalia.
Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Haysom ayaa oo xilkaasi hayey tan iyo bishii September ee sannadkii hore waxa uu bishii hore ee December ee sannadkii hore qoraal u diray Wasiirka Amniga Gudaha ee DFS, Maxamed Abuukar Islow “Ducaaleâ€, taasi oo uu Ergayga walaac xooggan kaga muuiyey Xarigii Mukhtaar Roobow Abu Mansuur iyo Kaalinta ay Boliska ay QM maalgelisay ku lahaayeen soo-qabashaddii Roobow bishii December 13-dii ee sannadkii hore iyo dadkii rayidka ahaa ee lagu dilay Dibadbaxyaddii bishii December 13keedii ilaa 14-keedii lagu dilay magaalladda Baydhabo iyo boqolaalkii Dibadbaxayaasha ee xilligaasi la xiray.