Kooxo hubeysan ayaa Caawa fiidkii waxa ay Xaafad ka tirsan degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir ku dileen Nin ka mid ahaa dadka ku nool degmadaas.
Dilka aya goobjoogayaal waxa ay sheegeen in uu ka dhacay Agagaarka Buundada 1aad ee degmada Xamar Jajab,waxaana ninka la dilay Magaciisa lagu sheegay Cabduqaadir Cabdi.
Kooxihii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta ka baxsaday,waxana mas’uuliyadda dilkaasi sheegtay Al-Shabaab oo Baraha ay Wararka ku qoraan ku sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Golaha Shacabka kusoo dooratay Magalada Baydhabo.
Maamulka degmada Xamar Jajab iyo laamaha Amniga Soomaaliya weli dilkaasi kama hadlin,hayeeshee waxa uu ka mid yahay dilalka ka dhaca Magalada Muqdisho.