Waxaa goordhow lasoo geba-gabeeyay codeynta wareega 1aad ee doorashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka socota Magalada Baydhabo.
147 Mudane ayaa codkooda dhiibtay,waxaana tartamaya 5 Musharax,iyada oo haatan la guda galay tirinta codadka ay Xildhibaanada dhiibteen.
Musharixiinta Maanta tartamayay ayaa waxa ay kala ahaayeen.
 Aadan Maxamed Nuur Saransoor.
 Xuseen Cismaan Xuseen
 Ibraahim Macalin Nuunow
Seyid Axmed Sheeikh Daahir
Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen
Saacadaha soo socda ayaa koonfur Galbeed waxaa loo dooran doonaa Madaxweynaha hoggaamin doona Afarta Sano ee soo socota.