Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Goordhow waxa uu shir Jaraa’id ku qabtay Hotelka Shabeel oo uu maalmihii dambe deganaa,waxaana uu ka hadlay xaaladaha Koonfur Galbeed iyo xariga Muqtaar Roobow.
Waxa uu soo hadal qaaday musharaxnimada Muqtaar Roobow oo ay dhawaan xirtay dowladda Federaalka Soomaaliya,waxana uu sheegay in Muqtaar Roobow uu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa musharaxnimadiisa,isla markaana uusan sharci aheyn xarigiisa.
Waxa uu sheegay in  la baal maray Dastuurka dalka,isla markaana uu qabo in Warqad Maxkamadeed qofka lagu soo xiro karo balse taasi aysan dhicin,waxaana madaxda dowladda uu ka dalbaday inay siidaayaan Muqtaar Roobow.
Guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay dib u dhigaan doorashada ilaa iyo inta xal laga gaarayo khilaafka ka dhashay xarigga Abuu Mansuur.
Shacabka koonfur Galbeed ayuu sheegay inay iyaga rabitaankooda leeyihiin,isla markaana ay horay uga digeen waxa hadda ka socda Magalada Baydhabo,waxaana Shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan nabada iyo xasiloonida.
Waxa uu markii ugu horeysay cadeeyay in isaga Xildhibaanada qaarkood loo diiday inay u soo gudbaan halka uu degan,waxaana uu sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yihiin kuwa xur ah.