Qaar ka mid ah Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in uu weli jiro mooshinkii laga keenay Madaxweynaha,xilli Xoghayaha Golaha Shacabka uu sheegay in uu buray mooshinkaas.
Xildhibaanadaas oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Villa Hargeysa ee Magalada muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in moshinkaas uusan burin,isla markaana uu weli yahay sidiisii.
Waxa ay ka dalbadeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu Golaha Shacbaka horyimaado,isla markaana uu iska difaaco dacwada ay ka soo gudbiyeen.
Waxa ay Xildhibaanadu sheegeen in laga soo bilaabo 9kii Bishaan oo ay Madaxweynaha mooshinka ka gudbiyeen uusan wax tallaabo ah ama Shaqo ah qaban karin ilaa laga xalinayo ama la soo afjarayo mooshinka.
Qodobada kale ay ka soo saareen Shirkooda jaraa’id Xildhibaanada ayaa waxaa ka mid ahaa in qoraalkii ka soo baxay Xoghayaha Golaha Shacabka uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla markaana xoghayaha lagu qasbay.