Xamaasadda Doorashadda Madaxtinimadda ee Madaxweynaha cusub ee Dowlad-gobaleedka curdanka ee Galmudug ayaa waxaa laga dareemayaa guud ahaan dalka Somalia, gaar ahaan Goballadda Dhexe.
Musharixiinta ayaa muujinaya Bandhigooda Siyaasadeed, si ay ugu guuleystaan Doorashadaasi oo dhici doono maalinta Sabtida ee soo socota.
Xildhibaanadda Barlamaanka Galmudug ayaana laga dhowrayaa inay u codeeyaan Musharaxa u qalma inuu hoggaamiyo Dowlad-gobaleedka KMG ee Galmudug ee laga yegleelayo Goballadda Dhexe ee Somalia.
Beesha Caalamka oo iyagy maalgelinayo Shirweynaha Maamul-u-samaynta Galmudug , waxay u riyaaqsan yihiin hannaanka ay ilaa iyo haatan wax ku socdaan iyo beegsiga ugu dambeeya ee lagu dooranayo Madaxweynaha Galmudug.
Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Nicholas Kay waxa uu soo dhaweeyey Doorashadda Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug, wuxuuna sheegay inay QM diyaar u tahay sidii uu ku najaxi lahaa Dhismaha Galmudug.
Markaynu u soo laabano Dhaqdhaqaaqyadda ka socda magaalladda Cadaado, waxaa maanta lagu hawlan yahay sidii loo soo xuli lahaa Guddiga Khaaska ee Maamulka Doorashadda Madaxweyninimadda Galmudug.
Musharixiinta ayaa la hadal-hayaa inay ku jiraan Siyaasiyiin caan ah, kuwo ku fashilmay Siyaasadda iyo kuwo Mar-la-arag ku ah Masraxa Siyaasadda ee Somalia, waana hubaal in ay Bulshadda Galmudug u han weyn yihiin Halyeey Waddani oo u qalma xilkaasi.
Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi oo horey u soo noqday Taliyihii Hay’adda Nabadsugidda Qaranka iyo Danjirihii  Somalia u joogay dalka Sudan ayaa hayinka u haya Musharixiinta u taagan Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug.
© Radio Dalsan