Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasabad uu xilka kula wareegayey taliyaha cusub ee loo magacabay Ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya taas oo lagu qabtay xarunta taliska Ururka 60-aaad ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa la hadlay saraakiisha, saraakiil,xigeenada, allifleyda iyo dableyda Ururka 60-aad ee ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, isagoona ku ammaanay shaqada ay u hayaan Bulshada iyo madaxda Dalka.
“Ururkaan waxaa uu kamid yahay ururada ugu fiican Ciidanka Xoogga Dalka, waxaan rabaa in miisaanka aad leedihiin aad sii muujisaan, waana idinku amaanayaa howshiinaâ€ayuu yiri taliyaha.
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ayaa waxaa horay u hayey xilkaas Odawaa Yuusuf Raage oo dhawaan loo Magacaabay Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.