Xoghayaha Fulinta ee Urur-gobaleedka IGAD, Maxbuub Macallim ayaa sheegay inay Tallaabo wanaagsan tahay go’aankii uu Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uu xayiraadda uga qaadaay Xawaaladaha Soomaalida ee ka hawlgala Kenya.
War-qoraal oo uu ka soo saaray magaalladda Nairobi ayaa waxa uu sheegay inay tahay tallaabo uu Madaxweynaha dalka Kenya ku dhaqaaqay, isagoo maanka ku haya inaysan Danta ahayn Kenyanka oo kale, balse ay tahay mid ka ballaaran Gobalka.
Waxa uu intaasi ku daray inay Xawaaladaha aad loogu baahan yahay, gaar ahaan ay ku tiirsan yihiin dadka Qaxootiga ee ku nool Xeryaha Kenya.
Dhinaca kale, Xoghayaha Fulinta ee Urur-gobaleedka IGAD, Maxbuub Macallim, waxa uu ka codsaday  Dowladaha Reer Galbeedka iyo Bangiyadda  inay xayiraadda ka qaadaan Shirkadaha Xawaaladaha Somalia.
Waxa uu ugu baaqay in la sii wado Adeegyadda lagu xawilo Lacagaha “Money Transfer Operators (MTO), si looga caawiyo Gobalka in lagu yareeyo Saboolnimadda.
Hadalkiisa ayaa soo baxay, kadib, markii uu Bangiga Dhexe ee Kenya (CBK) dhawaan xayiraadda ka qaaday 13 Xawaalado Soomaaliyeed, kuwaasi oo horey loogu soo rogay xayiraad bishii April 7-da ee sannadkan.
© Warqabadka Radio Dalsan