Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Maanta dhagax dhigay Xaruntii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya oo dib u dayactir ballaaran dhawaan lagu samayn doono.
Dayactirka lagu sameynayo Xaruntan ayaa  waxaa iska kaashanaya dawladda Soomaaliya iyo dawladda Qatar. Waxayna qayb wayne ka tahay dadaalka ay Xukuumadda Soomaaliyeed ugu jirto sidii dib loogu soo celin lahaa bilicdii ay lahaan jireen Xarumihii dalka.
Ra’iisul Wasaare kheyre oo ka hadlay Goobta ayaa sheegay in Sadex Arrimood ay uga muuqdeen gudaha Xarunta iyo qaabka loo dhisay,isaga oo sheegay in dhismaheeda uu yahay mid aan la mid aheyn dhismooyinka kale ee Xarumaha ku yaalla dalka.
Sidoo kale Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye oo goobjoog ka ahaa dhagax-dhiga Maanta ee Xaruntii hore ee Wasaaradda ayaa waxa uu ka sheekeeyey Taariikhda ay leedahay iyo sidii loogu Shaqeyn jiray.