27-kii Bishii la soo dhaafay ee Agoosto ee Sanadkaan ayaa Ciidamada Federaalka Itoobiya waxa ay Xabsiga dhigeen Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,kadib eedeyn badan oo loo soo jeediyey.
Xilliga la xirayay ayaa waxa uu ku sugnaa Hotel uu ka deganaa Magalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya,waxana haatan soo baxaya in uu Xabsiga ku dhex xanuunsaday.
Hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar oo lagu Magacaabo Diid Mahad Coloow ayaa ka codsatay Shacabka DDSI iyo cid kasta oo wax ka tabaneysa inay iska cafiyaan.
Waxa ay sheegtay in Wiilkeeda uu Gacanta ugu jiro cadaw,waxana Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqday inay gacan ku siiyaan sidii loosoo deyn lahaa.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayay ka codsatay in uu iska cafiyo maadaama uu xanuun sanayo.
Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa lagu eedeeyey in uu geystay falal dhinaca bani’aadanimada ah intii uu Madaxweynaha ka ahaa Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Hooyada Madaxweynihii Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.