Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta booqasho aan horay loo sii shaacin ku tegay bankiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo kulan la yeeshay masuuliyiinta Bankiga waxaana uu ku amray hubinta kharashaadka ay bixiyaan si taxadar leh, si looga hortago in xoolaha dadka ay si khaldan u baxaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa maamulka Bankiga ku adkeyay ilaalinta ammaanadda ay u hayaan ummadda isaga oo kula taliyay in nidaamka xisaabaadka bangiyada lacagaha lagu bixiyo lana yareeyo in lacag kaash ah la bixiyo si haddii loo baahdo looga daba tagi karo.