Duhurnimadii Maanta ayaa waxa askari ka tirsan Ciidamada Dowladda waxa uu ku dilay Isgoyska Sanca qeybta degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir.
Askariga dilka geystay oo ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ayaa la sheegay in durbaba uu goobta ka baxsaday,waxana Darawalka mooto Bajaajta uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaasii uu ku dhuftay askariga.
Dad ka careysan dilka Darawalka Mooto Bajaajta ayaa xiray isgoyska Sanca ee Magalada Muqdisho,waxaana ay jidka ku gooyeen dhagxaan waaweyn sidoo kalena ayTaayaro ku gubeen.
Isgoyska Sanca oo kala qeybiya Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ayaa lagu soo waramaaya in xilligaan aysan ka Sahqeyneyn wax Gaadiid ah,kiadb markii ay xireen banaanbaxayaasha.
Dilka Darawalka mooto Bajaajta weli kama hadlin Maamulka degmada Yaaqshiid iyo laamaha amniga Soomaaliya,waxana Muqdisho caadi ka noqtay dilalka loo geysto Darawalada mooto Bajaajta.